Falanqaynta & Falcelinta Buuga (Danjire)
Bidix Mohamed Suleiman, Dhexda Elmi Dhigal, Midig Ayan Mahamoud Buuga danjire ee uu qoray Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ee waliba uu u hibeeyay labadiisa waalid ee kala ah hooyo Xaawo Muudeey Gacal iyo aabo Cali Nuur Xuseen (Ameeriko) waa buug xasuus qor ah oo ka hadlaya waayihii kala duwanaa ee uu qoraaga buuga usoo joogay dhib iyo dheefba ayadoo waliba kaligiis aysan ku koobnayn taariikhda buugakan ku xusan ee ay tahay mid ka waramaysa dhamaan qoyska qoraaga buuga waliba ayadoo qaarkood ay geeriyoodeen oo aysan ahayn dad dunida guudkeeda saaran maanta. Buuga oo ka kooban sagaal cutub iyo laba boqol iyo sideed bog waxaa uu si waadix ah oo cad u qeexayaa cutub kasta mowduuc, tusaale ahaan cutubka koowaad oo aad u kooban waxaa uu qeexayaa “Hogaamiye” ayada oo uu qoraagu ku bilaabayo sharaxaad ku saabsan ereyga hogaamiye Meesha uu ka yimid taas oo uu ku macneeyay in ay ka timid ereyga "hogaan" oo ah xariga lagu xiro awrta ama geela, sidoo kale qoraagu waxaa uu ku sharaxayaa isl...









