Hiiraan Maxaa u dan ah ?






Waa suaal is weeydiin mudan ,Gobolka hiiraan waa gobol aad u facweyn waxaa uu soo maray marxalado kala duwan shacabkiisu waa dad nabada jecel hadana saas oo ay tahay waa la dulmiyay Hiiraan waxaa uu ka haray 8-dii gobol ee dalku ahaan jiray markii taariiqda dib loo raaco hiiraan waxaa ka soo jeedo dad taariiq leh Hiiraan waa gobol qani ah hadeey ahaato dhanka beeraha,xoolaha,iyo waliba ganacsiga isku xira gobolada koonfureed iyo gobolada waqooyi ee dalka ayadoo intaas oo mansab iyo qiimi ah ku dhex leh gayiga soomaaliya hadana wali  xuquudeedi ma helin .

Gobolka hiiraan waa gobol aad u balaaran waxaa kala qeybiya wabiga shabelle bari iyo galbeed hadana dadkiisu wali waa isku duuban yahay hadaan tusaale yar soo qaadano magaalada gaalkacyo waa magaalo soomaaliyeed hadana wabi iyo bad kala qeybisa maleh waana wada ognahay in sidii laba dal ay xuduud kala leeyihiin ,magalaada baladweyne ayadoo ay qabiilo kala duwan dagan yihiin hadana uu wabigu kala qeeybiyo wali waa isku furan tahay xuduudna kalama leh hal maamul baana ka dhaxeeya waana hal dad taasi waxa ay ku tusinaysaa midnimada shacab weynaha reer hiiraan . Gobolka Hiiraan waxaa uu xaduud la leeyahay afar gobol oo kala ah Bakool,Shabeelada hoose,Shabeelada dhexe,galgaduud iyo waliba kilinka shanaad ee Ethopia waa gobolka ugu xuduudaha badan soomaaliya shacabka ku nool oo aad u baaxad weyn hadana waa dad wax soo saar leh oo xoolahooda iyo qudaartooda laga quuto gobolada dalka intooda badan .

Hadaba dulucda hadalka hadaan usoo daadagno hiiraan waa hiiraantaan kor ku xusay waana gobolkaas aad micnihiisa ka wada dharagsanahay hadaba maxaa u dan ah ? Maadama uu wadanku federaal noqonayo hiiraan ma waxaa u dan ah in ay shabeelada dhexe wax ku darsato mise in ay iskeed u is taagto oo ay shabeellada sare boorka ka jafto .

Gobolka Hiiraan hadii uu shabeellada dhexe wax ku darsado waxaa halkaas ku dhumaya magacii iyo mansabkiu gobolku lahaa oo maxaa yeelay hiiraan waxaa uu ka haray sideedii gobol ee jamhuuriyada soomaaliya lagu aasaasay hadaba laan kamid ah sideedii gobol ee dalku lahaa in gobolkaas aadka u faca weyn la hoos geeyo waa qiima jab ,shabeellada dhexe runtii waxay u dhigmataa gobolka shabeellada sare oo ay caasimadiisu tahay Buulabarde.

Hiiraan hadeey iskeed isu taagto ayada iyo mataanteeda shabeellada sare waa wanaag iyo waxa ay shacabka reer hiiraan 95% ku faraxsan yihiin waxaana halkaas ka soo baxaayo wax u cuntama shacab weynaha nabada iyo horumarka jecel ee reer Hiiraan.

Talada reer hiiraan maanta waxaa gacanta ku haaya odayaasha dhaqanka ee gobolka jooga ,gudoomiyaha gobolka ,aqoonyahanada, qurba joogta iyo waxgaradka gobolka jooga maanta waa taariiq qormeeysa shacabkiinuna talada idinka ayeey idinku aamineen ee fadlan shacabka wax u cuntama u soo dhiciya dastuurkana yuusan idiin goodin waa buug aan anagu qoranay shacabka reer hiiraan weey badali karaan hadii uu xuquuqdooda dafirayo ,midnimaduna waa muhiim maanta aan hiiraan  xaqeeda usoo dhicino bari Hiiraan hadeey wax hesho qof walba oo ka soo jeedana wax waa uu helayaa Hiiraan horumarkeeda waa Himiladeena. 


----------------------------------------------------------------------
W/Q - Dr/ Elmi Dhigal
University of Bedfordshire - Uk

Comments

Popular Posts