Taariikh Nololeedka Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble
Waxbarashadiisa asaasiga wuxuu ku soo qaatay Dagmada Buloburte ee Gobalka Hiiraan Sanadka 1973dii
Wuxuu ka qalin jabiyay Dugsiga Sare ee Shabelle Dagmada Jowhar Gobalka Shaballaha dhexe Sanadkii 1977
Wuxuu ka qalin jabiyay Jamacada Umada qeybta Xanaanada Xoolaha 1982dii
Wuxuu qaatay Hal sano oo waayo aragnimo shaqo ah ka dib wuxuu noqday isku duwaha wasaarada xanaanada xoolaha dagmada Balcad ee Gobalka Shabellaha dhexe 1984tii ilaa 1991dii ayuu xilkaa hayay sidoo kale wuxuu ahaa madaxii mashruuca BAN AFRICA ee dabar goynta cudurka dabakaruubka eek u dhaca lo,da 1989 ilaa 1991.
BUBURKII DOWLADII DHEXE KA DIB
Wuxuu ka soo shaqeyay dhowr hay.adood oo samafal ah oo caalim ah sida OXFORM,BASE iyo TRE NOVE oo taliyaani ah
Waxaa loo duubay Ugaasnimada 25/April 2001 ka dib geeridii aabahiis Ugaas Khaliif Ugaas Rooble
Wuxuu Ugaas ahaa Mudo 15 Sano ah isagoo da,diisu aheed 63 sano jir
Wuxuu ifka uga tagay laba gabdhood iyo hal xaas
Ugaaska ayaa wuxuu u dhintay xanuun dhinaca Wadnaha


Comments
Post a Comment