4.5 iyo Deegaan fikirkeeyga ku aadan

4.5 iyo deegaan waa hada dooda taagan , 4.5 waa hada kan aan wax ku qeybsano deegaana waa midka la leeyahay aan u gudubno hadaba dhinac walba halaga eego deegaanku muxuu faaido u leeyahay dalka hadii wax lagu qeybsado maadaama aanan qibrad dheeraad ah loo laheyn sida 4.5 .

4.5 waxa uu ku aas aasmay dowladii carta ee djibuti oo markaas eey soomaalidu ku heshiisay ineey wax ku qeybsadaan ayadoo dhan markii laga fiiriyana ay cadaalad daro tahay oo dad soomaaliyeed lagu tilmaamay .5 ama bar baa tihiin hadana dhanka kale markii laga eego waxay markaasi u muuqatay xal wax lagu socodsiin karo saas oo ay tahay waqtiyo adag looga soo gudbay .

hadaba deegaanku muxuu yahay ? waa su'aal is weydiin u baahan maadaama ay hada tahay dooda ugu weyn ee miiska saaran , maadaama hada ay jiraan maamul goboleedyo dhowr ah oo dalka ka jira waxa ay badaleeysaa sidii howshu ahaan jirtay dowladuna dhexana awoodii badneyd ee ku koobneyd waa ay baahsameeysaa maadaama deegaan walba uu maamul goboleedyo yeeshay iyo nadaxweynayaal matala waxaana halkaas ka soo baxeysa masiirka dalka in laga wada doodo maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe .

Hadaba maamul goboleedyadii qaar deegaan in lagu qeybiyo barlamaanka soo socda ayeey soo saareen miiska halka dowlad goboleedyadii qaar iyo dowladii dhexana ay 4.5 in wax lagu qeybiyo ay doonayaan hadaba waa marka koowaade waa arrin wanaagsan hadii miiska korkiisa lagu doodayo waxna lagu falanqeynayo oo aanan qori leysku heysan sidii waayadii hore dhici jirtay oo kale, hadaba deegaanku waa sidee hadii la qaatana sidee asagana loo qeybsanayaa waa arrin u baahan falanqeyn gooniya ma sidii degmooyinkii dowladii kacaanka aheyd oo 92 degmo ayaa wax lagu qeybsanayaa ma degmooyinka hada gadaal ka abuurmay burburkii kadib ayaa lagu darayaa kuwii hore oo sidaas ayaa lagu qeybsanayaa mise maamul goboleed baa lagu qeybsanayaa ? waa dood kale hadaba gunaanadka waxba yaanan hadal idinku daaline doodu waa ay socotaa walina wax laguma heshiin waxaase rajeyneynaa in wax un aysan soomaalidu ku kala tageyn lagu heshiiyo .

Elmi Dhigal

Comments

Popular Posts